Farmaajo oo shaaciyey kulan madaxda dalal badan ku dhex-maraya Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Shirka seddexaad ee Dalalka Eritrea, Ethiopia iyo Soomaaliya uu ka dhacayo magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sharaxaad ka bixinayay isbadalka Geeska Africa ayaa sheegay in shirka seddexaad ee madaxda seddexda dal uu ka dhici doono magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Farmaajo wuxuu sheegay in shirkaasi la filayo inay balaariyaan oo ay kusoo daraan dowladda Jabuuti oo hadda xiriir soo wanaagsanaanaya kala dhaxeeya Dowladda Eritrea oo horey ay u dagaalsanaayeen.

Madaxweyne Farmaajo, Wuxuu sheegay in shirkaasi ay mustaqbalka qorsheynayaan inay balaariyaan oo ay kasoo qeyb galaan dalalka Deriska la ah Soomaaliya, waxaana uu sheegay in faa’idada ugu badan Soomaalida inay heli doonaan, maadaama ganacsigooda uu gaaray wadamo badan oo ilaa Galbeedka Africa ah.

Labadii Shir ee lasoo dhaafay waxaa ka maqnaa Jabuuti, waxaana hadda qorshaha uu yahay in dalka ugu horeeya ee shirka Afar geesood ka dhigaya in Jabuuti ay noqoto si xal waara looga sii gaaro xiisada kala dhaxeya Eritrea.

Lama  oga sida Jabuuti ay kaga qeyb gali karto shirkan, iyadoo aan xal waara laga gaarin xiisadda kala dhaxeysa dowladda Eritrea, Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ma sheegin waqtiga uu shirkaasi ka dhacayo magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com