Xog: Kulankii Imaraadka ay ku qabteen Nairobi ee DF loogu maleegay shirqoolka iyo qorshihii lagu dejiyey

Nairobi (Caasimada Online) – Warbixin ay soo saartay kooxda QM ee la socodka cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ee UN Monitoring Group, ayaa shaaca looga qaaday shirqool Imaaraadka Carabta Carabta ay u maleegeen dowladda federaalka Soomaaliya, oo ay ku lug lahaayeen siyaasiyiin Soomaali ah.

Kulankan ayaa toddobadii April 2018 ka dhacay maqaayad ku taalla magaalada Nairobi ee dalka kenya.

Sida warbixinta ay sheegtay, waxaa kulanka yeeshay diblomaasiyiin kasoo jeeda dalka Imaaraadka Carabta iyo sarkaal sare oo horey uga tirsanaa hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA.

UN Monitoring Group ma shaacin sarkaalka Soomaaliga ah ee kulanka ka qeyb-galay, waxaase magaciisa loo gudbiyey golaha ammaanka ee QM.

Xubinihii kulanka ka qeyb galay ayaa dejiyey qorshe lagu fashilnayo dowladda federaalka Soomaaliya. Waa qorshaha qeyb ka ahaa in la sameeyo isbaheysi ka kooban madaxda dowlada goboleedyada Soomaaliya, xubnaha baarlamanka Soomaaliya ee mucaaradka ah iyo taliyeyaasha ciidamada qaranka.

Dhinacyadaas ayaa marka la mideeyo waxaa qorshuhu ahaa in la qaado dagaal siyaasadeed iyo mid amni oo lagu fashilanayo dowladda Soomaaliya.

Sida warbixinta kooxda QM ay sheegtay, Imaaraadka Carabta ayaa dhammaan xubnaha la isku keenayey u adeegsanayo in la siiyo lacag lalauush ah, si ay uga qeyb qaataan qorshaha Imaaraadka.

Ma cadda halka uu ka dambeeyey qorshahaas iyo in dagaalka ay hadda maamul goboleedyada ku hayaan dowladda iyo xildhibaanada mucaaradka ee aadka u weerara dowladda ay qeyb ka yihiin qorshahaas.

Maalin kadib markii kulankaas uu dhacay, ayaa sideedii bishii April 2018 waxa ay dowladda federaalka garoonak Aadan Cadde ku qabatay lacag dhan 9.6 milyan oo dollar oo kaash ah, oo Imaaraadka Carabta uu lahaa.

Ma cadda haddii kulankii Nairobi iyo qorshaha lagu laaluushayey mucaaradka Soomaalida iyo qabashada lacagta ay xiriir leeyihiin, balse sidaas ayay u muuqataa.

Warbixinta kooxda QM ee Soomaaliya ayaa waxaa ku jira sir badan oo xasaasi ah, waxaana idiin soo gudbin doonaa kuwa ugu xiisaha badan, Insha Allah. Ku xirnow Caasimada Online.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com