Daawo Cosoble: Muudey waa afduubtay BF, wuxuu ka dhigay dugsi qur’aan

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa ku eedeeyay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka C/Weli Muudey inuu sameeyay xadgudub ka baxsan xeer hoosaadka Baarlamaanka, isagoo sheegay inuu afduubtay Baarlamaanka.

Xildhibaan Cosoble oo la hadlayay telefishinka Dalsan TV, kaddib markii uu soo dhamaaday kulankii Baarlamaanka ayaa sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka ay maanta si aqlabiyad leh ku ansixiyeen qaraarkii ay soo jeediyeen Guddiga Maaliyadda ee ku aadanaa dib u eegista Miisaaniyadda sanadka 2018.

Hase ahaatee waxaa uu xusay in qalad aad u weyn sameeyay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad C/Weli Muudey oo shir guddoominayay kulankii maanta.

“Maanta qalad weyn ayuu sameyay Guddoomiye Muudeey wax auu xildhibaanada u diiday waxyaabo ay xaq u leeyihiin oo uu xeer hoosaadka u ogolaanayo taas ah ra’yigooda soo jedineed ama diidmeed ayuu yiri Xildhibaan Cabduqaadi Cosoble.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Guddoomiye C/weli Muudey uu diiday inay Xildhibaanada hadlaan, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay afduub aad u weyn.

“Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka waa afduubtay, Xildhibaanada inay hadlaan waa diiday Xildhibaanka dalbaday inuu hadlo oo wax saxo waa ka diiday, taasna waa arrin khilaafsan xeer hoosaadka, waa dhaqan aad u liitay oo xun oo aan loo baahneyn inuu Baarlamaanka ku sii socdo, anaga uma dooran Guddoomiye C/weli Muudey inuu Baarlamaanka ka dhigo dugsi qur’aan asiga leeyahay wixii uu doono marsiiyo”ayuu si kulul u yiri Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamaanka.

Halkana hoose ka daawo

 

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@Live.com