Muxuu yahay qorshaha uu ra’iisul wasaareihii hore ee Somalia u tegay Kismaayo?

Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi iyo xubno la socda ayaa maanta tegay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland.

Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay ra’iisul wasaarihii hore ee dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya xiligii madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf Axmed.

Safarka Cali Maxamed Geedi, oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin ayaa, xog aan helnay ay sheegeysaa inuu la xiriiro sidii wada-hadal uu u dhex mari lahaa maamulka Jubaland iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Ilaa hadda ma cadda in Cali Maxamed Geedi uu iskiis isku xilqaamay iyo inay dirtay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Cali Maxamed Geedi ayaa ka mid ah siyaasiyiinta aadka ugu dhow islamarkaana la dhacsan siyaasada ay hadda dalka ku maamusho dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxaa la filayaa inuu la kulmo oo uu wada-hadal la yeeshay madaxwenaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com