FARMAAJO oo ‘shahiid’ ku tilmaamay Idriss Deby

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay geeridii ku timid kaligii taliyihii dalka Chad Idriss Deby, oo shalay la dilay isagoo ka dagaalamaya jiidda hore ee dagaalka ay dowladiisa kula jirto mucaaradka

Farmaajo ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku yiri “Aniga oo ku hadlaya magaca shacabka Soomaaliyeed, waxaan qaaradda Afrika kula biirayaa uga tacsiyeynta shacabka iyo dowladda Chad geeridii ku timid Madaxweyne Idriss Deby.”

“Idriss Deby wuxuu ahaa hoggaamiye dowli oo dhab ah, kuna weyneyd Afrikaanimada, wuxuu shahiiday isagoo difaacaya dadkiisa iyo dalkiisa,” ayuu yiri Farmaajo, oo qeexaya Deby oo ahaa kaligii taliye 30 sano awood iyo caburin ku xukumayey dalka Chad. .

Hadalka Farmaajo ayaa kuso aadayo xilli shalay war qoraal oo ku saabsanaa geerida Idriss lasoo geliyey oo warbaahinta dowladda si weyn loogu weerayey madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday iyadoo inta badan dadkii fikradaha ka dhiibtay ay dhahayeen “sidan oo kale ayaa u dambeysa kaligii taliye.”

Faallooyinkaas shacabka Soomaaliyeed ay bixiyeen ayaa keenay in qoraalkaas laga saaro baraha bulshada warbaahinta dowladda oo dhan, balse dib loo soo geliyey ayada oo laga soo reebay erayo ay ka mid ahaayeen inuu 30 sano kali-talis ahaa.

Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ayaa dhawaan sameystay muddo kordhin, waxaana lagu eedeeyey inuu doonayo inu xukunka kusii heysto awood taasoo ah dhaqan ay inta badan caan ku yihiin madaxda Afrika oo looga bartay inay isku dhajiyaan kursiga.