28.9 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

Farmaajo oo sheegay inuu baaritaan ku socdo shaqsiyaadka ku caan baxay inay…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, ayaa ka hadlay qorshaha dowladiisa kaga aadan ka hortaga Hay’adaha ku eedeysan isdabamarinta iyo shaqsiyaadka ay dacwada ka taal.

Farmaajo waxa uu sheegay in dowladiisa ay weli ku taagan tahay ballanqaadkii ahaa inay ciribtireyso Hay’adaha iyo shaqsiyaadka magac dilka ku haya dowlada Federaalka.

”Qeybo kamid ah ballanqaadka weynu hirgalinay, waxaa harsan qeybo kale oo aan dhawaan fulindoono, waxaan mar kale ku celinayaa inaan weli ku guda jirno baaritaanka Hay’adaha iyo shaqsiyaadka ku guda jira musuqa”

”Marnaba kama raali noqon doono in sumcada dowlada ay hoos u dhigaan shaqsiyaad caadeystay isdabamarin, insha allah waan ka adkaan doonaa kuwa qarsoon ee aan ku heyno baaritaanka”

Farmaajo ayaa tilmaamay in baaritaanka socda uu ku dhow yahay heer gabagabo, waxa uuna ballanqaaday inay ka dhabeyn doonaan ciribtirka kuwa ku caanbaxay musuqa.

Haddalka Farmaajo ayaa u muuqanaaya in dowladiisa ay weli ku taagan tahay ugaarsiga kuwa caadeystay musuqa iyo isdabamarinta xuquuqda shaqaalaha IWM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News