Sawirro: Farmaajo oo shir guddoomiyey kulanka Guddiga Taakuleynta Ciidamada Qalabka Sida

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho kulankii ugu horeeyay maanta ku yeeshay Xubnaha Guddiga Taakuleynta iyo Wacyi-gelinta Ciidamada Qalabka Sida.

Shirka Guddiga ayaa waxaa shir guddoominaayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo isagu lahaa aasaasida Guddiga oo loo arko inuu yahay mid muhiim ah.

Shirka ayaa waxaa looga wadahadlay qorshayaasha guud ee horyaala Guddiga oo ay ka mid tahay hannaanka wada shaqeynta xubnaha guddiga, gaar ahaan xubnaha ku sugan goballada iyo dalka dibaddiisa.

Xubnaha Guddiga ayaa ka dooday mideynta dadaallada shacabka ee ku aaddan ka qayb qaadashada taakuleynta ciidamada iyo diyaarinta istaraatiijiyadda wacyi gelinta laamaha kala duwan ee ciidamadda Qalabka Sida.

Xubno gaara oo Guddiga uga hadlay madasha shirka ayaa sheegay in muddo kooban ay kusoo dhamaystiraayaan dhammaan qorshayaasha la xiriira howl-gelinta guddiga.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Somalia ayaa isna ku taliyay in la xasuusto in kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan xubnaha guddigan ay furo u noqonayso ka mira-dhalinta ujeedka loo asaasay.

Farmaajo ayaa yiri ”Muhiimadda ugu weyn ee guddigan waa sida aan u dareensiin lahayn ciidamadeenna in aynu garab taagannahay, sidoo kalena aan shacabkeenna ku wacyi gelinno in dhibaatada gaarta qofka ciidanka ah ay u gaartay difaaca dalkiisa”.