Faahfaahin: Qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoogan ayaa waxa uu goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, gaar ahaan waddada mashquulka badan ee Maka Al-Mukarama.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa ka dhashay baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey, oo ku qarxay kasoo horjeedka Carwo Al-Kowthar ee waddada Maka Al-Mukarama, oo xarun baaritaan ay ku leeyihiin ciidamada NISA.

Gaariga qarxa ayaa la sheegay inuu ahaa mid ay gacanta ku dhigeen ciidamada nabad-sugidda, waxaana la sheegay inuu qarxay markii la hareeyey, oo laga xiray jidadka oo idil.

Waxaa jira dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qaraxa, inkasta oo aan la hayn tiro rasmi ah.

Qaraxa ayaa markii uu dhacay waxaa mar qura dhacay rasaas fara badan oo ay rideen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo goobta ka agdhowaa.

Qaraxa kadib ayaa waxaa hakat galay gaadiidka qulquleysay wadada Makka Al-mukarama oo aheyd wadada ugu mashquulka badan.

Ciidamo farabadan ayaa dhooban isgooysyada wadada Makka Al-mukarama kuwaa oo celinaaya gaadiidka noocyadooda kala duwan.

 

La soco wixii dheeri ah wararkeena danbe

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com