Wararkii ugu danbeeyay ee laga helaayo khasaaraha qarax gaari oo caawa ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax xoogan ayaa waxa uu goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana qaraxa kadib dhacay rasaas xoogan.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari nooca raaxada ah ayaa ka dhacay meel aan sidaa uga sii fogeyn Carwada Alkowther oo ku taal wadada Makka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in Gaariga lagu dhuftay Geed talaal ku yaala laamiga geeskiisa kuna yaala ka soo hor jeedka Carwa Al-Kowther.

Gaariga Qarxay ayaa la sheegay inay la socdeen laba ruux isagoo ay u daaran yihiin leyrarka, waxaana xusid mudan in xiliga uu Qaraxa dhacaayay ay halkaa ku sugnaayen ciidamada Dowlada.

Goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa waxaa yaal Meyd iyo dad dhaawac ah kuwaa oo gurmad ka helaaya Gaadiidka Ambalasta oo halkaa ku qulqulaaya.

Goobjooge lagu magacaabo Maxamed Sidiiq oo goobta ku sugan ayaa xaqiijiyay inuu indhihiisa ku arkay Meydka hal ruux iyo dhaawacyo kabadan labo kuwaa oo qaarkood ahaa kuwo afka ku hayay Shahaadada.

Ciidamo farabadan ayaa iminka ku sugan goobta waxaana sidoo kale xiran dhammaan waddooyinka ku dhow dhow Goobta uu Qaraxa ka dhacay.

Geesta kale, Goobta la dhigay Gaariga Qaraxa ayaa waxaa maalmahaani lagu baarayay Gaadiidka raaxada ee kusii jeeda Debka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com