Farmaajo oo shirka London ka dhex shaaciyay 3da Cadow oo ay leedahay Somalia

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, ayaa khudbad ka jeediyay Shir weynaha maanta ka furmay magaalada London.

Madaxweynaha inta uu ku guda jiray khudbadiisa ayaa waxa uu u mahad celiyay dowladda Britain ee shirkan martigalisay iyo dhamaanba wakiilada beesha caalamka ee shirka jooga.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in shirka London uu imaanayo xili dowlada Federaalka, Maamul goboleedyada iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay wada shaqeyn dhanka dowladnimo.

Waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay cuuryaamiyeen cuduro farabadan oo ka dhashay burburka Somalia, waxa uuna tilmaamay inuu sii kordhaayo cadowga DFS.

Waxa uu sheegay in dowladiisa ay la dagaalameyso sida uu hadalka u dhigay Seddex cadaw oo midba midka kale ka quwad badan, waxa uuna cadeeyay in qorshahooda uu yahay la dagaalanka dhinacyadaasi.

Waxa uu sheegay in dowladiisa ay ka dhabeyn doonto la dagaalanka Seddexda cadow ee Soomaaliya ay leedahay, oo kala ah ayuu yiri “Argagixisada, Musuq-maasuqa iyo Saboolnimada”.

Dowladaha Caalamka ayuu ugu baaqay inay ka dhabeeyan ballanqaadkii ay u sameeyen Somalia, waxa uuna dalbaday in marka hore laga saacido Tababarada iyo tayeynta ciidamada.

Ciidamada la diyaarinaayo ayuu sidoo kale sheegay inay u baahan yihiin inay helaan Hub noocyo badan leh, waxa uuna caalamka ka codsaday in cunaqabateynta Hubka laga qaado.

Madaxweynaha waxa uu carab dhabay in ay ka shaqeyn doonaan sidii loo maareyn lahaa hubka hadii laga qaado cunaqabateynta.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa Caalamka oo idil ugu baaqay inay is garabtaagan Somalia oo uu sheegay inay ku jirto xiliga ay garabsan laheyd adduunka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com