Banaanbax “ Dilkii wasiir Cabaas haddii dad loo xiray kuwana xilka looga qaaday, anaga Mursal ayaa wasiir noo ah”

Mudisho (Caasimadda Onlinem) – Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka dhacay banaan bax ay soo diyaariyeen dadweyne kasoo jeedo Woqooyiga Soomaaliya, kuwaas oo dacwad ka ahaa dil loogu geystay Magaalada Muqdisho kaaliye ka tirsanaa Maxkamadda Sare.

Dadka isku soo baxay ayaa ka dhawaajiyey inuu marxuumka dilay darawalkii Gaafoow isla markaasna uu ahaa kabtan ka tirsan Ciidamada Nabadsugidda,

Waxay tilmaameyn in marxuumka lagu dilay buskoolad sharciyeysan oo ay dowladda laheyd isla markaasna uu gacantiisa ku sharceeyey General Gaafoow oo horey u ahaa taliyiha ciidamada Nabadsugidda.

Dadka isku soo baxay ayaa ka dhawaajiyey inay Muqdisho isaga tagi doonaan isla markaasna ay aadi doonaan dhulka ee kasoo jeedaan ee Somaliland, haddii aysan dowladda Soomaaliya awood u laheyn inay dadkooda badbaadiso maxkamadna lasoo taago gacan ku dhiiglihii dambiga sameeyey ee darawalka u ahaa Genera. Gaafoow oo ay isku heeb yihiin Ra’iulwasaaraha Soomaliya Xasan Cali Kheyre.

Waxay sheegeen in dhawaan lasoo xiray ninkii dilay Wasiir Cabaas Cabdullaahi Siraaji isla markaasna xilkii laga qaaday Hanti dhowraha qaranka maadaama ilaaladiisa ay dilka geysteen.

Gabar ka mid ah banaanbaxayaasha oo ilmeeneysay ayaa tiri: “ Wasiir Cabaas dilkiisa dad baa loosoo qabqabtay kuwana xilkaa looga qaaday, anaga Mursal ayaa wasiir noo ahaa, waa inay dowladda soo qabaataa dambiilaha dilka geystay iyo cidda uu darawalka u ahaa