Dood Qaran oo xasaasi ah oo lagu qabanyo Minnespolis, 13-ka May

Kulan looga hadlayo arrimaha feederalka oo lagu qabanayo Gobolka Minnesota

Kulankaan oo ay soo qaban-qaabisay madasha Dood Qaran ayaa waxaa ka qeybgalaya shaqsiyaad si weyn loogu yaqaan saaxadda siyaasadda Soomaalida iyo dhinaca waxbarashada, kuwaasi oo kala ah:

1. Yussur Abraar oo mar ahayd gudoomiyihii hore ee bangiga dhexe ee Soomaaliya, islamarkaana hadda la shaqeysa mid ka mid ah banaanka waaweyn ee caalamka.

2. Dr. Cabdulqaadir Xaashi Yussur Abraar, oo xilal kala duwan ka soo qabtay nidaamyada dalka, isagoo xukuumaddii ugu dambeysay ee Cumar Cabdirashiid ahaa wasiirka waxbarashada iyo taliinta sare.

3. Pro. Axmed Muumin Warfaa oo ah nin aqoonyahan ah oo muddo dheer ka shaqeynayey dhinaca warbarashada, islamarkaana mar isku sharaxay madaxweynaha Soomaaliya.

4. Avv. Abdiwaaxid Cabdullahi Warsame, oo ah nin katirsan xaafiiska xeer ilaalinta ee magaaladda Columbus ee gobolka Ohio. Sido kale, Cabdiwaaxid ayaa mar ahaa maamulaha mashruuca horumarinta waqooyiga Soomaaliya xiligii dowladdii dhexe.

Kulan cilmiyaadkaan oo sabtiga soo socda ee 13-ka bishaan ka dhici doona gobolka ay Soomaalidu ku badan tahay ee Minnesota ayaa waxaa looga doodi-doona inta uu socda nuuca federal ee hadda Soomaalida u shaqeynaya iyo wax la filankaro mustaqbal soo socda, iyadoona si gooni ah loo eegi doona caqabadihii laga dhaxlay sanadihii koobnaa ee Soomaaliya uu feederalku ka shaqeynayey. Kulankaan ayaa ayaa sidoo kale talooyin loogu jeedin dowladda dhexe iyo maamullada dalka ka jira, kuwaasi ku wajan qadaraha ka dhalankara haddii si aan wanaagsanayn loo maareeyo hirgelintaa nidaamkaan.

Dhammaan dadka Soomaalida ah ee nool Gobolka Minnesota waxaa rejaynayaa in ay kulankaan ka qeybgalaan, islamarkaana ay ku biiriyaan su’aalaha iyo fikirkooda la xiriira arrimaha feederalka Soomaaliya, mana jiro wax dhaqaale ah oo lagu galayo goobta ay munaasibaddu ka dhacayso. Goobta uu kulankaan ka dhacayo iyo waqtigaba waxaad ka ogaankartaa ogeysiiska qoraalka ku dul-qoran.