Farmaajo oo war ka soo saaray geerida Prof. Jawaari

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa war ka soo saaray geerida guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, intii uu Farmaajo dalka ka ahaa Madaxweynaha waxaa isaga iyo Jawaari dhex-martay taariikh siyaasadeed oo adag.

Ugu horeyn Farmaajo ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Waxaan murugada geerida la qaybsanayaa, tacsi tiiraanyo lehna u dirayaa qoyska, qaraabada, Qaranka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Alle ha u naxariistee, Guddoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.”

Farmaajo ayaa sheegay in Marxuumku uu inta badan noloshiisa u soo adeegayey shacabka iyo qaranka Soomaaliyeed, isaga oo door muhiim ah ka soo qaatay dowlad dhiska dalka.

“Waxa uu ahaa xeeldheere sharci oo xilal kala duwan ka soo qabtay laamaha dowladaan iyo dowladdii dhexe ee dalkeenna, isaga oo guddoon ka noqday Baarlamaannadii 9-aad iyo 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Farmaajo.

Farmaajo ayaa u duceeyey Jawaari, wuxuuna yiri, “Waxaan Allaah u weydiinayaa in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada, Qaranka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.”

Allaha u naxariistee Jawaari oo labo jeer oo is xigtay guddoomiye kasoo noqday baarlamaanka Soomaaliya ayuu xukunka yimid Farmaajo, dhowr bilood kadibna wuxuu weerar siyaasadeed ku qaaday guddoomiye Jawaari ilaa uu isaga tago xilka.

Sidoo kale mar kale ayey kooxda Farmaajo xumeysay Jawaari, markii isaga iyo Laftagareen ay u diideen inuu u tartamo kursigii uu ku fadhiyey ee golaha shacabka, waxaana laga horistaagay inuu tago Baydhaba.

Allaha u naxariistee Jawaari, wuxuu waayihii dambe ka mid ahaa siyaasiyiinta loo diiday inay Baydhaba u safraan, inta badan siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ayaa u ololeyneysa in Laftagareen uu baneeyo kursiga, maadaama uu dhamaaday muddo xileedkiisii.