Farmaajo oo war kasoo saaray geerida Injineer SAALIXI

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ee Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo) ayaa ka soo saaray geerida ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Cumar Saalixi oo ka mid ahaa xubnaha guddiga Soomaaliya ku metalaya dacwadda badda ee u dhexeysa dalkeena Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweynaha ayaa ugu horreyn tacsi tiiraanyo leh u diray guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan ehellada iyo asaxaabtii uu ka baxay marxuumka.

Farmaajo ayaa sidoo kale tilmaamay in Injineer Saalixi uu dadaal badan ku bixiyey kiiska badda ee haatan horyaalla maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cumar Saalixi ayaa tilmaamay dadaalka Marxuumku uu ku bixiyey kiiska dacwadda baddeenna ee horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka,” ayuu qoraalkan ku yiri madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa xusay in marxuumka uu dadaal xoog leh geliyey keydinta xogta dhuleed iyo badeed ee Soomaaliya, isla-markaana uu ahaa hal door Soomaaliyeed

“Alle ha u naxariistee Maxamed Cumar Saalixi waxaa uu laf-dhabar u ahaa dadaallada keydinta xogta dhuleed iyo badeed ee dalkeenna, isaga oo ka soo qeyb-qaatay sameynta maabab dalku uu leeyahay, haatanna waxa uu xubin ka ahaa Guddiga Qaran ee difaaca kiiska dacwadda baddeenna ee hortaal Maxkamadda Caddaalada Aduunka.” ayuu raaciyey.

Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa Alle u weydiiyey marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo shacabka Soomaaliyeed.

Allaha u naxariistee Injineer Saalixi ayaa ahaa khabiir aqoon durugsan u leh cilmiga badda, isla-markaana ahaa shakhsiga kaliya ee ku takhasusay arrimaha qalfoof badeedka ee Continental Shelf, sidoo kalena wuxuu ahaa la taliyihii arrimaha badda ee madaxtooyada.