Wararkii ugu dambeeyey dil iyo dhaawac SOOMAALI loogu geystay dalka Canada

Toronto (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil iyo dhaawac dhalinyaro Soomaali ah loogu geystay magaalada Toronto ee dalka Canada.

Weerarkan ayaa sababay geerida AUN Sahal Maxamed Sahal oo 35 sano jir ahaa iyo dhaawaca laba gabar oo la socotay, sida ay sheegeen saraakiisha booliska ee Toronto.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in markii hore saddex-dooduba uu dhaawac soo gaaray, balse marka la geeyey isbitaalka uu geeriyooday Sahal.

Koox hubeysan ayaa la sheegay in rasaas ku fureen xilli ay marayeen wadada, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen inay arkayeen gaari cad oo meesha kasii dhaqaaqaya.

Ma cadda sababta loo beegsaday dhalinyaradan Soomaaliyeed, balse saraakiisha ammaanka ee Canada ayaa haatan wada baaritaano dheeraad oo ku aadan dhacdada.

Dhankiisa Aabaha Sahal Maxamed ayaa sheegay in uusan ogeyn illaa iyo hadda sababta loo dilay wiilkiisa, wuxuuna tilmaamay in lagu Aasay qabuuro ku yaal magaalada Toronto.

Canada ayaa waxaa muddooyinkii lasoo dhaafay ku soo badanayey weerarada ka dhanka ah Soomaalida oo inta badan dil iyo dhaawac loogu geysto gudaha dalkaasi.