Dad gaaraya 48,000 oo qof oo lagu la’yahay AFRIKA

Nairorbi (Caasimada Online) – Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ayaa sheegay in in ka badan 48,000 oo qof lagu la’yahay Afrika oo dhan, ugu yaraan 21,600 kamid ahna ay yihiin carruur aan qaangaarin.

Inta badan dadka la waayay ee diiwaangashan – oo si weyn loo rumeysan yahay inay qeyb ka yihiin musiibada bani’aadamnimo ee ballaaran ee qaaradda, ayaa lala xiriiriyaa iskahorimaadyada hubeysan, rabshadaha, masiibooyinka iyo socdaalka guud ahaan qaaradda.

Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ayaa sheegay in tirada dadka u soo baxaya inay soo sheegaan dadka la la’yahay ay kusoo badanayaan Afrika.

Amaya Fernandez, oo ah la-taliyaha hay’adda samafalka ee dadka maqan ee Galbeedka Afrika ayaa sheegtay in tirada dadka la la’yahay ay sii kordheyso laba laab.

“Waxaan isku dayaynaa inaan diinwaan gelinno kiisas badan oo nidaamsan oo dadka la waaayey ah kuna baahsan gobolka oo dhan, sababta ay dadka la’yahay usoo badanayaan ayaa ah kororka rabshadaha iyo iska horimaadka soo maray qaaradda Africa, kala bar dadka maqan ee la diiwaan geliyey ayaa ah rag aan gaangaari” ayey tiri Amaya Fernandez

Natiijada ICRC waxay muujineysaa in 39,360 oo ka mid ah 48,000 ee la la’yahay ay ka soo jeedaan toddoba dal oo ay colaado hubeysan ka jiraan.

Sida laga soo xigtay Machadka Nabadda iyo Cilmi -baarista Caalamiga ah ee Stockholm, 20 dal oo Afrika ku yaalla waxaa ka jiro iska-horimaad hubeysan, sidoo kale machadka wuxuu sheegay in 10 kamid ah 20-kaas dal inay ka jirto xaalad aad u halis ah.

Fernandez ayaa sheegtay in iska-horimaadka ka socda qaar ka mid ah dalalka Afrika uu xanuun iyo rafaad badan u abuuray qoysaska ay dadka ka maqan yihiin.

“Cawaaqibyada bini’aadanimo oo ay sababaan dagaallada hubeysan ee dabada dheeraada ayaa badanaa lagu arkayaa inta badan wareysyada laga qaado dadka wax raadinayo. Tusaale ahaan, kala bar qoysaskii lagu wareystay Nigeria ayaa soo sheegay in qaraabadoodu la waayay 2014-2015. Koonfurta Suudaan, inta badan qoysasku waxay raadinayeen dad la waayay intii u dhaxaysay 2013 iyo 2016. Liibiya, qoysasku waxay soo wariyeen inay raadinayeen qaraabo maqan dhammaadkii 70 -meeyadii ilaa maanta, sidaas oo kalana waxaa lamid ah Itoobiya iyo Uganda,” ayay tiri.

Khubarada qaarkood waxay arkaan baahida loo qabo in shaqaalaha bulshada iyo hay’adaha amniga loo tababaro muhiimadda ay leedahay wadaagidda macluumaadka si ehelada looga caawiyo helitaanka dadka maqan.

Kaaliyaha taliyaha booliiska Zimbabwe Crispen Lifa ayaa sheegay in dalkiisa iyo gobolka ay u baahan yihiin nidaamka maareynta xogta si loola socdo kiisaska dadka maqan.

ICRC waxay ugu baaqday dowladaha Afrika inay ka hortagaan dadka la weynayo oo ay bulshada ka caawiyaan raadinta iyo aqoonsiga, iyo wax ka qabashada baahiyaha qoysaska ay dadka ka maqan yihiin.