Daawo: Odayaasha beelaha Muqdisho oo ka horyimid go’aan kasoo baxay DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee magaalada Muqdisho ayaa ka horyimid go’aan ay dowladda Soomaaliya ruqsadaha ugala noqotay afar shirkadood oo ka shaqeeya baaritaanka Covid-19, iyagoo mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda ku eedeeyey inay abuurayaan shirkad aan horay u jirin.

Odayaashaan oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaan la aqbali karin ku tilmaamay in hal shirkad oo hadda la sameeyey loo xiro howlihii ay dalka ka hayeen afartaas shirkadood ee dowladda ay warqadda ka soo saartay.

Waxay sheegeen in warqad uu soo saaray wasiir ku xigeenka caafimaadka lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu amray in hal shirkad loo xiro qandaraaska baaritaanka cudurka Covid19, kadib markii ay shirkadihii hore qaar ay dadka shahaado siiyeen iyagoo aan baarin.

Eedeyntaas waxay odayaashaan ku tilmaameen been abuur lagu xalaaleysanayo xiritaanka shirkadahaan.

“Anigoo la-talinaya wiilkeyga Ra’iisul wasaare Rooble waxaan leeyahay, mustaqbalkaagu yuusan halaabin, warqadda waxaa ku qoran Rooble waxa uu amray in afar shirkadood la xiro, qandaraaskaasna hal shirkad loo xiro, markii ay ugu yartahay afartaas shirkadood waxaa u shaqeynayey dad ka badan 300, ee Rooblow ka joog,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii warbaahinta la hadlay.

Sidoo kale xubnihii maanta ka hor yimid warqadaas ka soo baxday xafiiska wasiir ku xigeenka caafimaadka ayaa ugu baaqay dhinacyadii lagu socodsiiyey ee dhanka ammaanka in aysan qaadan amar qaldan oo aysan fulin.

“Amarkaan waxuu warku nagu soo gaaray in hal shirkad loo xiro howshii intaas oo shirkadood ay bulshada u hayeen, iyadoo sababo xun loo raadinayo, marka hey’adaha kala duwan ee ammaanka waxaan leeyahay amarkaas ka fiirsada amar qaldan lama qaato ee waa laga fiirsadaa,” ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradkii hadlay.

Hoos ka daawo