Daawo: Dubbe oo qiil yaab leh u sameeyey iibinta Tiyaatarka iyo cidda ka dhaadhicisay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe oo maanta hadlay ka jeediyey xaflad lagu qabtay Tiyaatarka Qaranka ayaa qiil yaab leh u sameeyey dhulkii Tiyaatarka Qaranka ee uu bixiyey, balse uu ka laabtay kadib caradii ka dhalatay.

Wasiir Dubbe ayaa sheegay in sababta uu dhulkaas u bixiyey ay tahay imaanshaha fanaaniin reer Sudan ah, balse Tiyaatarka uu yahay meel aan dad lagu soo dhoweyn karin oo xitaa aan laheyn meel biyo laga cabo.

“Waxaa ii yimid safiirka Suudaan inoo jooga oo igu yiri Fanaaniinta Suudaan ayaa raba inay Barnaamij qurux badan ku dhigaan Tiyaatarka Qaranka oo ay ka mid tahay Nada Al-qalca, indhihii Caalamkaa kusoo jeeda ragna Geel bay rabaan inay ka dhax baafiyaan,” ayuu yiri Dubbe.

“Kadibna maareeyihii ayaa igu yiri meel Biyo laga gato malahan Tiyaatarku, anaa go’aamiyey in la sameeyo biibito, kadibna Ra’iisul wasaarahaa igu yiri naga daa dadka ha iska harraadaane,” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Dubbe ayaa sheegay in markii saxiixaas laga qeyliyey uu Ra’iisul wasaare Rooble ku amray in la joojiyo qorshihii lagu bixinayey dhulkaas.

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka oo maalmihii u dambeeyay ku jiray hubinta iyo xaqiijinta arrinta la xiriirtay bixinta qayb ka mid ah dhulka Tiyaatarka Qaranka ayaa maanta soo saaray amar joojin, xili hore looga laabtay.

Xafiiska Hantidhawrka Guud ayaa faray Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta inuu si deg-deg ah uu gebi ahaanba u joojiyo arrinka bixinta dhulka Tiyaatarka Qaranka, uuna Wasiirku muddo 72 saacadood gudahood oo maanta ka bilaabanaysa uu soo saaro qoraal rasmi ah oo lagu joojinayo bixinta dhulkaas.

Sidoo kale Xafiiska ayaa ka dalbaday Wasiir Dubbe in uu si maangal ah oo mas’uuliyad ku jirto u maamulo dhulka danta guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo in arrimaha maamulka hantida wasaaradda aan looga faa’iideysan dano gaar ah ama shaqsiyadeed, uuna joojiyo tallaabooyinka dhibaataynaya bahda fanka iyo dhaqanka guud ahaan.

Hoos ka daawo hadalka Dubbe

https://youtu.be/EOo5kHlBvcg