Hanti-dhowrka Qaranka oo go’aan xasaasi kasoo saaray iibinta Tiyaatarka Qaranka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka oo maalmihii u dambeeyay ku jiray hubinta iyo xaqiijinta arrinta la xiriirtay bixinta qayb ka mid ah dhulka Tiyaatarka Qaranka ayaa maanta soo saaray amar joojin, xili hore looga laabtay.

Qoraal laba bog ahaa oo kasoo baxay Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa lagu sheegay in sida ay u wajahday Wasaaradda Warfaafinta bixinta dhulkaas aysan marnaba waafaqsaneyn nidaamka dowliga ah, shuruucda dalka iyo wareegtooyinka hay’adaha dowladda.

“Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka (XHGQ) waxaa uu mas’uul ka yahay ilaalinta hantida ummadda iyo u hoggaansanaanta sharciga si loo xaqiijiyo in hay’adaha Dowladda ay hantida ummadda u maamulaan sida ugu wanaagsan, ugu beekhaansan uguna waxtarka fiican,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa soo bandhigay 5 qoddob oo Wasaaradda Warfaafinta ka dul booday markii la bixinayay qeyb kamid ah dhulka Tiyaatarka, islamarkaana ay ka hor imaaneyso wareegtada lagu bixiyey dhulkaas, kuwaasi oo kala ah;

  1. Qoddobka 43aad (2) ee Dastuurka Ku-meel-gaarka (KMG) JFS
  2. Qoddobka 50aad (1) Xarfaha (b & t) ee Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud (Sharci LR.17, ee 25/12/2019)
  3. Amar Madaxweyne oo ku taariikheysan “19 Janaayo 2018”, taas oo lagu caddeeyey in ay sharci darro “hibeynta, bixinta iyo wareejinta dhulka Dawladda’
  4. Qoddobada 2aad iyo 3aad ee Xeer Ra’iisal Wasaare (Xeer Lr.047 ee 06/12/2018), kaas oo ku saabsan “Heshiisyada Dawladda Federaalka la galeyso Shirkado ama Hay’ado
  5. Qodobka 1aad ee warqada Hantidhawraha Guud ee 20/10/2020 oo lagu sheegay in hay’adah Dowladda heshiisyada ay galaan ka soo diiwan geliyaan Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka

“Wasaaradda Warfaafinta ayaa si cad ugu xad-gudubtay nidaamka dowliga ah iyo shuruucda dalka, maadama Wasiirka Wasaaradda uu maamulka hantida Wasaaradda u maray sifo aan sharciga waafaqsaneyn, sidoo kalana wax dan/faa’iido aysan ugu jirin guud ahaan shacabka iyo bahda fanka Soomaaliyeed ee laf dhabar u ah Qarankeena.”

Xafiiska Hantidhawrka Guud ayaa faray Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta inuu si deg-deg ah uu gebi ahaanba u joojiyo arrinka bixinta dhulka Tiyaatarka Qaranka, uuna Wasiirku muddo 72 saacadood gudahood oo maanta ka bilaabanaysa uu soo saaro qoraal rasmi ah oo lagu joojinayo bixinta dhulkaas.

Sidoo kale Xafiiska ayaa ka dalbaday Wasiir Dubbe in uu si maangal ah oo mas’uuliyad ku jirto u maamulo dhulka danta guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo in arrimaha maamulka hantida wasaaradda aan looga faa’iideysan dano gaar ah ama shaqsiyadeed, uuna joojiyo tallaabooyinka dhibaataynaya bahda fanka iyo dhaqanka guud ahaan.

Ugu dambeyntiina waxa uu Xafiiska Hantidhawrka meel adag iska taagay bixinta dhulka danta guud ee loo marayo sifo sharciga waafaqsaneyn, ayadoona hay’addaha iyo mas’uuliyiinta dowladda looga digay in hantida umadda u maamulaan si gaar ah, kana faa’iideystaan xilliyada kala guurka.