DALKII ugu horreeyey oo maanta diyaarad ka dejiyey garoonka KABUL kadib la-wareegistii TAALIBAAN

Kabul (Caasimada Online) – Diyaarad laga leeyahay Qatar ayaa Arbacadii Maanta ah ka degtay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kabul iyadoo sidday koox farsamo oo Taalibaan kala xaajoon doona dib u bilaabista howlaha gegida diyaaradaha kadib qabsashadii Taalibaan ee Afgaanistaan, sida laga soo xigtay il xog ogaal u ah arrintaan.

“Diyaarad Qadar ah oo sidday koox farsamo ayaa goor hore oo maanta ah ka degtay Kabul si ay ugala hadasho Taalibaan dib-u-bilaabista shaqadii garoonka,” ilo-wareedka ayaa sidaas u sheegay AFP.

Weli ma jiro heshiis kama dambeys ah oo ku saabsan bixinta kaalmo farsamo oo dhanka garoonka Kabul ah, waxayna kooxdaan ka socota Qatar dooneysaa inay kooxda Taalibaan ku qanciso in dhinaca farsamada laga caawiyo.

Waxaa weli socda wada-hadal u dhaxeeya kooxda farsamada ee ka socoto Qatar iyo kooxda Taalibaan, waxaana laga wada-hadlayaa cidda maamuleysa garoonka Amni ahaan iyo shaqo ahaan labadaba.

Illo wareedyada la hadlay AFP ayaa sheegay in hadafka ugu weyn uu yahay in dib loo bilaabo duulimaadyadii gargaarka bini’aadanimo iyo in la helo xorriyad lagu dhaq-dhaqaaqi karo, gaar ahaan dib u bilaabidda dadaallada daad-gureynta.

In ka badan 123,000 oo ajaanib iyo Afgaanistaan ah ayaa dalka ka qaxay kadib markii kooxda Taalibaan ay la wareegtay talada dalkaas, waxaana weli jira dad kale oo doonaya inay dalkaas isaga baxaan oo aan weli helin fursad.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha ee Kabul uu ku jiro xaalad xun, iyada oo inta badan kaabayaashii aasaasiga ahaa ay xumaadeen ama burbureen.

Dagaalyahannada Taalibaan ayaa ku dabaaldegay rasaas maalintii Talaadada aheyd kadib markii ciidamadii ugu dambeeyay ee Mareykanka ay ka tageen Kabul kadib dagaal socday labaatan sano.

Qadar waxay martigelisay wada -xaajoodyo u dhexeeya Taalibaan iyo Mareykanka sannadihii la soo dhaafay waxayna u ahayd marin ay maraan qiyaastii 43,000 oo laga soo daadgureeyay Afghanistan.

Mareykanku wuxuu ku duulay Afgaanistaan wuxuuna afgembiyay xukuumaddii Taalibaan sanadkii 2001 wixii ka dambeeyay weeraradii 9/11 ee Al-Qaacida, oo doonaysay inay gabaad ka dhigato dalkaas.

Caasimadaha reer Galbeedka ayaa ka baqaya in Afgaanistaan ay mar kale noqoto hoyga kooxaha xagjirka ah ee doonayo inay weeraro ka fuliyaan adduunyada.

Wadamada khaliijka oo ay ku jirto Qadar ayaa kaalin muhiim ah ka qaatay duullimaadyada daad -gureynta muwaadiniinta dalalka reer galbeedka iyo sidoo kale turjumaannada Afgaanistaan, suxufiyiinta iyo kuwa kale.