Maamulka G/Banaadir oo amray in toddobaad gudihiis loogu soo wareejiyo laba ka mid ah isbitaallada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa goordhoweyd soo saaray amar ku socda isbitaalada Yardameeli iyo Jaziia, kaasi oo dhigaya in muddo toddobaad gudahood ah ay kusoo wareejiyaan maamulka isbitaaladaas.

Afhayeenka gobolka Banaadir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ayaga oo ku shaqeynaya dastuurka iyo shuruucda u dagsan dalka, islamarkaana la tixraacayo heshiiska ku saleysan wareejinta iyo daadajinta adeega caafimaadka ee gobolka in maamulka gobolka uu mas’uul ka yahay gacan ku haynta isbitaaladaas.

“Isbitaaladaa kor ku xusan oo loogu talo-galay in bulshada gobolka Banaadir ugu shaqeeyan si lacag la’aan ah uu ka war helay maamulka gobolka in hanaankii loogu talo-galay in loogu adeego bulshada hanaan aheyn oo u muuqda mid ganacsi iyo mid gaar ahaaneed u adeegayaan isbitaaladaas,” ayuu yiri.

“Wuxuu maamulka gobolka Banaadir ku wargelinayaa isbitaaada Jaziira iyo Yardameeli in muddo toddobo cisho ah gudahood ah ay kusoo wareejiyaan maamulida isbitaaladaas, islamarkaana maamulka gobolka Banaadir uu mudadaas ku magacaabi doono maamulka uu yeelanayo isbitaaladaas.”

Maamulka gobolka Banaadir ayaa amarkan cusub ku sababeeyay in isbitaaladaas ay ka leexdeen hanaankii loogu talo-galay inay ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa gobolka Banaadir.

Hoos ka daawo amarka maamulka