Qatar oo ka digtay qorshe ay dalalka Reer Galbeedka ka damacsan yihiin Taalibaan

Doha (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa ka digtay cawaaqibka ka dhallan kara qorshaha ay Reer Galbeedka ay damacsan yihiin ee ah inay go’doomiyaan dowladda Taalibaan ay ka dhiseyo Afghanistan kadib markii ay dalkaas la wareegtay.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Qatar Sheekh Mohammed bin Abdulrahman ayaa ka digay in go’doominta Taalibaan ay hoggaamin doonto xasillooni darro horleh, wuxuuna ugu baaqay dalalka caalamka ugu baaqay inay la hadlaan kooxda, si wax looga qabto walaacyada amni iyo dhaqaale bulsho ee Afghanistan.

Qatar oo xulufo la ah Mareykanka ayaa noqotay wada-xaajoode muhiim ah oo loo maro Taalibaan, ayada oo mart-gelineysay xafiiska siyaasadda kooxdan, tan iyo 2003.

“Haddii aan isku dayeyno inaan soo rogno shuruudo, oo aan joojino la macaamilka, waxaan ka tagi doonnaa firaaq, su’aashuna waxay tahay, yaa buuxin doona firaaqaas,” ayuu yiri Sheekh Mohammed isaga oo dhinac taagan dhiggiisa Jarmalka Heiko Maas.

Illaa iyo hadda ma jiro dal Taalibaan u aqoonsaday dowladda Afghanistan kadib markii ay Kabul qabsadeen 14-kii August. Dalal badan oo Reer Galbeed ah ayaa kooxdan ku booriyey inay dhisto dowlad loo dhan yahay, islamarkaana ilaaliso xuquuqda aadanaha.

“Waxaan aaminsannahay in la macaamil la’aan, aynan gaari karin horumarka dhabta ah ee dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha bulshada,” ayuu yiri Sheikh Mohammed, isaga oo intaas ku daray in Taalibaan oo dowlad loo aqoonsado aysan muhiim aheyn.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Germany Heiko Maas ayaa weriyayaasha u sheegay in Berlin ay diyaar u tahay inay caawiso Afghanistan, hase yeeshee kaalmada caalamiga ah ay wadato shuruudo horudhac ah.

Taalibaan oo wada-hadallo la yeelatay xubno ka mid ah dowladdii hore ee Afghanistan iyo bulshada rayidka ayaa sheegtay inay dhowaan ku dhowaaqi doonto gole wasiiro.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Qatar Sheikh Mohammed ayaa sheegay in kooxda ay muujisay inay u furan tahay fikradda ku saabsan dowlad loo dhan yahay.

Taalibaan ayaa Afghanistan maamuleysa 1996-kii illaa 2001, hase yeeshee ma helin aqoonsi caalami ah.

Sheikh Mohammed ayaa sheegay in go’doominta Taalibaan ee 20 sano kahor ay hoggaamisay xaaladda hadda taagan.

REUTERS + VOA