Muqdisho (Caasimada Online)-Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa waxaa lagu magacaabay La-taliyaha cusub xagga amniga ee madaxweynaha.
Wareegtada ayaa waxaa lagu magacaabay Cabdi Saciid M, Cali oo noqon doona la-taliyaha cusub xagga amniga ee madaxweyne Farmaajo.
Cabdi Saciid oo lagu magacaabay wareegtada Madaxweynah ayaa waxa uu noqonayaa la-taliyihii Seddexaad ee xagga amniga uu Farmaajo yeesho Sagaalkii bil ee la soo dhaafay.
Cabdi Saciid, ayaa la-taliye dhanka amaanka ah kasoo noqday meelo dhowr ah, waxa uuna 2dii sano ee ugu dambeysay, midowga Yurub lataliye uga ahaa dhanka amniga.
Dhinaca kale, 2004-2005 waxaa uu La-taliye Technical Advisor u ahaa TFG-da Cabdullahi Yusuf, isaga oo isla jagadaasi ka qabtay 2006-2008dii, waxaa intaas kadib ka shaqeeyay Safaaradda Talyaaniga.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com