Halkee ayuu marayaa qorshaha lagu soo wareejin lahaa hawada Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Duulista Hawadda XFS Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar ayaa ka hadlay dadaalka ay dowlada Somalia ugu jirto dhameystirka soo wareejinta Hawada Somalia.

Wasiir Omaar ayaa sheegay in dowladu ay wado dadaaladii ugu danbeeyay ee lagu soo dhameystiri lahaa howlaha Hawada waxa uuna cadeeyay inay jiraan caqabado dhowr ah oo u muuqda kuwo laga gudbaayo.

Waxa uu Wasiirka sheegay in inta badan caqabadihii jiray ay xaliyeen, isla markaana ay jiraan kuwo weli taagan oo ay xukuumadu xalin doonto wakhtiyada nagu soo dhow.

Wasiirka oo hadda ku sugan dalka Canada, ayaa carab dhabay in wareejintu ay kusoo beegmi doonto labo todobaad ka dib waa haddii aanu dhicin caqabado kale.

Wuxuu cadeeyay in inta badan qalabkii laga maamuli lahaa Hawada ay ku jirto gacanta dowlada, halka qaarka harsan ay soo gali doonto gacanta dowlada.

Omaar ayaa tilmaamay in 28-da Bishaan la qaban doono Xaflad weyn oo lagu soo bandhigaayo qalabka cusub ee Hawadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in hadda ay jiraan Shaqaallo Ajnabi oo kasii howl bilaabi doono Muqdisho marka lasoo wareejiyo, maadaama aysan jirin Shaqaalle Soomaaliyeed oo leh Aqoonta qalabkaasi.

Sidoo kale, Wasiir Omar ayaa soo wareejinta Hawadda Soomaaliya ku timaamay horumar weyn oo ay gaartay dowladda.

Dhinaca kale, Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawadda ayaa bilihii lasoo dhaafay waday dadaallo xooggan oo ku aadan soo gacan gelinta Hawadda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com