Mas’uul xil ka hayay gobolka Banaadir oo la khaarijiyay

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ay toogasho ku dileen Gudoomiye Laameed ka tirsan degmada Waaberi ee Gobolka Banadir.

Dilka Gudoomiye Laameed ayaa saaka ka dhacay meel aan sidaa uga sii fogeyn Hooygiisa, waxaana lasoo sheegayaa inay fuliyeen maleeshiyaad la socday Mooto nooca laba lugaaleyda ah.

Ninka la dilay ayaa Caan ka ahaa degmada Waaberi, waxaana la sheegay in uu sanadyadii dambe ahaa Gudoomiye Laameed.

Dilka kadib waxaa goobta ka baxsaday maleeshiyaadkii dilka ka danbeeyay, iyadoo ciidamada dowlada goortii ay soo gaaren goobta ay ka badin waayen inay qaadan Meydka marxuumka.

Dilkaan ayaa kusoo beegmaaya xili ay dilalka ugu badan ee ka dhaca magaalada Muqdisho ay ka dhacaan Degmada Waaberi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com