Xeer ilaaliyaha qaranka oo soo saaray digniin cusub oo ku socota…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir, ayaa daboolka ka qaaday in dowlada Federaalka ah ee Somalia ay si joogta ah ula xisaabtami doonto dhammaan Madaxda Dowlada iyo Siyaasiyiinta.

Xeer ilaaliyaha waxa uu sheegay inaanu jiri doonin cid looga aamusi doono fal khaldan oo ay geysato, waxa uuna tilmaamay in isla xisaabtanka uu bilowday.

Waxa uu tilmaamay inay jiraan shaqsiyaad dhowr ah oo aan rumeysneen awooda dowlada balse ay hor imaan doonaan dowlada si loola xisaabtamo.

Waxa uu sheegay in awooda koowaad ee dalka ay leedahay Dowlada Somalia, sidaa aawgeed aanu jiri doonin awood kale.

Waxa uu cadeeyay inaan laga baqi doonin cid waliba oo looga shakiyo fal aan munaasib aheyn, waxa uuna cod dheer ku sheegay in dowladu ay diyaar u tahay khal iyo sixidba.

‘’Waxaa jira kuwo aan xishoon oo dhaqan ka dhigta sharci darada iyo khaladaad lagu saxo dowlada, waxaan sheegeynaa inaan la xisaabtami doono cid waliba oo aan uga shakino wax lid ku ah dowladnimada’’

Sidoo kale, Xeer ilaaliye Axmed Daahir waxa uu ku baaqay in kuwa faraha kula jira waxyaabaha lidka ku ah dowlada ay ka fiirsadaan wixiina wacad ku maray inay sii laba jibaari doonaan howlgalada ka dhex fulaaya guryaha ay degan yihiin dhinacyada kasoo horjeeda dowladnimada.

Dhinaca kale, Xeer ilaaliyaha ayaa ku baaqay in mas’uuliyiinta heysta Hantida Qaranka ee loo baahan yahay ay si sharaf leh ugu wareejiyaan dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com