Farmaajo oo Xubbi Faarax Macallin u magacaabay la-taliye iyo halista ku xeeran

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la-taliyihiisa u magacaabay Aamina Faraax Macallin, oo loo yaqaan Xubbi, oo ah gabar uu dhalay siyaasiga reer Kenya ee Faarax Macallin.

Arrintan ayaa soo shaac baxday shalay kadib markii agaasime ku-xigeenka Villa Somalia Cabdullaahi Daddoon uu soo tweet gareeyey sawirrada kulan dhex-maray mas’uuliyiinta Villa Somalia iyo kuwa wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya.

Xubbi, waa qofka ka muuqda dhanka bidix ee soke ee safka soo jeeda ee sawirka.

Arrintan waxay tusmeyneysaa laba arrin, oo mid ay halisteeda leedahay.

Midda koowaad: Aamina ama Xubbi waa gabar Kenyan ah. Ma jiro wax farqi ah oo u dhaxeeya ayada iyo Aadan Barre Ducaale, oo horey ugu baaqay in Kenya ay ciidamo gayso badda ay ku sheeganeyso Soomaaliya, xoogna kula wareegto.

Inkasta oo ajaaniib badan ay ka dhex shaqeeyaan dowladda Soomaaliya, ha ahaadeen Soomaali haysata dhalashada dalal kale sida Xubbi, iyo ajaaniib aanba Soomaali ahayn, haddana kiiskan Xubbi waa mid u baahan in si gaar ah loo eego.

Kenya waxay hadda sheeganeysaa badda Soomaaliya, waxaana joogitaanka Xubbi ee halka laga go’aamiyo siyaasadda iyo aayaha Soomaaliya ee Villa Somalia uu gacan weyn siin karaa Kenya una gacan gelin karaa xog muhiim ah. Ma lihin Xubbi waa basaas Kenya, balse sidoo kale yaa damaanad qaadaya in xogta dalka lagu aamino karo, Soomaaliya-se ma qaadan kartaa fursad noocan ah.

Sida ku cad boggeeda twitter-ka, Xubbi waxaa u saaran calamada Soomaaliya iyo Kenya, oo macnaheedu yahay in weli ay aaminsan tahay kuna faraxsan tahay inay tahay Kenyan. Sidee qof la-talinaya madaxweynihii Soomaaliya calan dal kale ugu faraxsanaan karaa?


Tani waxay astaan kale u tahay sida mar walba madaxweyne Farmaajo u qaato go’aanno aan laga fiirsan ama aan la darsin cawaaqibka ka iman kara.

Midda labaad: Magacaabista Xubbi, waxay caddeysay sababta ka dambeysa taageerada waalida ah ee aabaheed Faarax Macallin uu mar walba twitter-ka ugu muujiyo madaxweyne Farmaajo.

Faarax Macallin kuma koobna oo kaliya inuu Farmaajo amaano, balse waxa uu mar walba aflagaadeeyaa madaxdii isaga ka horreysay ee dalka soo maray oo ku qeexo erey kasta oo xun oo aadan ka filan karin, sida inay ahaayeen daba-dhilifyo u adeega Itoobiya.

Waxaase yaab leh, Faarax inuusan marnaba dhalleeceyn Farmaajo, inkasta oo uu xitaa sameeyey wax uusan madaxweyne Soomaaliyeed weligiis sameyn oo ah inuu muwaadin Soomaaliyeed u gacan-geliyo cadowga Itoobiya.

Sida Faarax ay la tahay, Farmaajo oo Itoobiya u gacan geliyey muwaadin Soomaaliyeed daba-dhilif maaha, balse Xasan iyo Shariif oo aan weligood sidaas sameyn waa ay yihiin. Hadda waan ognahayn sababta Faarax sidaas ula tahay.

Ilo-wareedyo ayaa Caasimada Online u sheegay in mid ka mid ah sababaha xilka loogu magacaabay gabadha Faarax ay qeyb ka aheyd taageerada waalida ah ee aabaheed u hayo Farmaajo. Ka hor inta aan la magacaabin Xubbi, Faarax waxa uu ka mid ahaa boqolaalka qof ee Villa Somalia mushaharka uga qaataa amaanta madaxweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com