“Farmaajo si loo aamino shacabkuna u rumeysto ha tiro qodobka 56-aad”

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi C/Raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa ka hadlay hadal xalay uu jeediyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay si rasmi ah u shaaciyay ineysan dooneyn in muddo kororsi ay sameeyaan madaxda dowladda Somaaliya, sidaasi si lamid ahna aysan aqbaleyn muddo kororsi ay sameeyaan madaxda maamul goboleedyada.

Siyaasi C.raxmaan Cabdi Shakuur ayaa marka hore madaxweyne Farmaajo kaga mahadceliyay sida uu shacabka Soomaaliyeed ugu cadeeyay inuusan dooneyn muddo kororsi dheeraad ah.

Wuxuu sidoo kale sheegay si shacabka Soomaaliyeed ay hadalkaasi u aaminaan in madaxweynaha looga baahan yahay inuu meesha ka saaro qodobada qaar ee ku jira sharciga doorashada oo xukuumadda Soomaaliya ay dhawaan ansixisay.

Qodobka 56 aad ayuu sheegay inuu yahay qodobka shakiga badan geliyay shacabka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed, kaasi oo cadeynayay in doorashada dib loo dhigo karo marka xaaladaha qaar ay jiraan.

“Madaxweynuhu wuu ku mahadsanyahay in uu shacabka Soomaaliyeed u balan qaaday in uusan muddo kororsi damac kaga jirin, maalina uu ku darsan doonin mudo xileedkiisa sharciga ah. Si loo aamino, shacabkuna u rumeeyo, madaxweynaha sharciga doorashada ee xukuumadiisu ansixisay ha ka saaro qodobka 56aad ee muddo kordhinta ka hadlaya”ayuu yiri Mr Warsame.

Shirkii ka dhacay magaalada Garowe ayaa madaxdii ka qeyb gashay waxay isku qabteen muddo kororsi la sheegay inay doonayeen madaxda maamulada qaarkood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com