Madaxweyne Farmaajo oo shaaciyey inuu waqti kororsi sameysanayo iyo in kale

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeedinayey Munaasabadda sanadkii guuradii 76-aad ee ururkii Dhallinyarada SYL oo xalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Shirkii Garoowe iyo sababihii keenay in la isku fahmi waayo.

Madaxweynaha oo ka hadlayey Shirka Garoowe  ayaa sheegay in  qaar ka tirsan Madaxda Maamul Goboleedyda, gaar ahaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf uu doonayey inuu waqti kororsi sameysto taasina ay ka hor  timaaday Dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inaysan jirin cid Hal maalin ku darsan karto waqtiga sharciga ee uu xilkiisa ku eg yahay haddii ay ahaan laheyd Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe.

Madaxwyenaha ayaa tilmaamay in haddii la ogolaado in Madaxweyne Dowladda Dhexe iyo mid Maamul Goboleedyada loo ogolaado inuu waqti ku darsado ay taas noqon doonto wado furmato oo keeni karto in dalka uu dhibaato galo.

Madaxweynaha  ayaa dhawr jeer kusoo celceliyey inaan cidna loo ogolaan doonin inay waqti ku darsato xataa isaga oo lagu eedeenayey maalmihii dambe inuu doonayo waqti kororsi.

Hadalka Madaxweynaha ayaa kusoo aadayo xilli dhawaan ay Golaha Wasiirada ansixiyeen Sharciga doorashooyinka kaasoo dhaliyey shaki weyn  oo  laga qabo inay dowladdaan sameysaneyso waqti kororsi kadib markii qodobada qaar ay  tilmaamayeen in  haddii lagu guuldareysto in doorasho la qabto ay Guddiga Doorashada waqti ugu dari doonaan Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa meesha ka saaray shakigii ahaa inay Dowladiisa qorsheeneyso waqti kororsi inkastoo ay Siyaasadda isbadali karto waqti karta ama hadalkaan uu yahay mid siyaasadeed , waxaana hadalkiisa ka muuqatay inaysan dowladda Soomaaliya dooneyn inay sameysato waqti kororsi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com