Xog yaab leh oo laga helay halkuu ku baryey gaarigii ku qarxay Warta Nabadda

Muqdisho (Caasimada Online0 – Caasimada Online ayaa ogaatay in gaarigii talaadadii ku qarxay xarunta degmada Warta-nabadda ee Gobalka Banaadir uu habeen hore ku baryay degmadaasi islamarkaana uu soo galay galabkii Isniinta.

Gaarigaan oo nuuciisa yahay Nooho ayaa la sheegay in uu ka soo galay dhinaca Suuqa Bakaaraha, waxa uuna ka soo gudbay bar-kontarool oo ku taala agagaarka Hotel Daamey ama Isgoyska Geed Jaceel ee degmada Warta-nabadda.

Mid kamid ah dadka ku nool degmada Warta-nabadd,a gaar ahaan agagaarka Masaajidka Cabdalla iyo Cawareer ayaa Caasimada Online u sheegay in gaarigaan uu galabkii isniinta muddo ka badan 4 saac uu yiilay meel u dhaw masaajidk,a sidoo kalane kaabiga ku heysa xarunta degmada.

Dadka degaanka ayaa Ciidamada Booliiska kuwar-geliyay gaariga Isniintii, 5tii Galabnimo Afurka ka hor kadib markii ay ka shakiyeen waxaana ku dhax-jiray hal wiil oo kaliya oo ay ugu jireen Air phone (dhagaha Mobilka), balse ay kawar-celin waayeen Ciidamada Booliiska Soomaaliya ee ku sugan halkaasi.

Qof kamid ah dumarka ku ganacsada agagaarka xarunta degmada  Warta-nabadda ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay in Ciidamada Booliiska shaqsiyan ay ku wargelisay gaarigaan xilli ay roondo ku marayeen inta u dhaxeysa xarunta degmada iyo Isgoyska Geed Jaceyl balse aysan waxba ka qaban gaariga.

Afurkii kadib ee Isniintii ayey dadka degaanka sheegeen in ay waayeen gaarigii ay ka shakeeyeen waxayna qiyaaseen in uu ku xarooday guri aan ka fogayn xarunta degmada. Taaladadii markii uu qarxayay ayuu Xawaare sare ku soo hormaray dadkii ka digay maalin ka hor waxa uuna xoog ku jiiray difaaca degmada isagoo gudaha u galay xarunta degmada kadibna is qarxiyay.

Sidoo kale dadka xog-ogaalka ah ayaa sheegay in gaariga markii uu jiiray difaacyada degmada aysan jirin cid daba-gashay ama ka difaacday gudaha degmada, waxaaana markii ugu dambeysay laga qaaday birta Al-baaabka xarunta degmada isagoo markii dambe ku qarxay gudaha xarunta oo u dhaw Albaabka.

Su’aalaha dad-badan ay qabaan ayaa ah Maxay booliiska wax uga qaban waayeen gaarigaan markii loo soo gudbiyay ? miyey u muuqataa in Booliiska ay wax ka ogaayeen shilkaan? Ma jirta cid la xisaabtanta hey’adaha amniga ? side ayuu uga soo gudbay baraha kontarool ee Wadnaha oo ah aag cagaaran oo aan laga soo gudbin ? iyo Su’aalo kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com