Farmaajo oo kashifay sir la xiriirta madashii ay maamul goboleedyada codsadeen iyo ujeedka shirkii Garoowe

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeedinayey Munaasabadda sanadkii guuradii 76-aad ee ururkii Dhallinyarada SYL oo xalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Shirkii Garoowe iyo sababihii keenay in la isku fahmi waayo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in markii horaba ay shirka  Garoowe ujeedka loo tagay ay aheyd in laga wada hadlo arrimaha amniga oo uu ku sheegay inay tahay midda ugu muhiimsan oo hor taalo Dowladda  iyo Maamul Goboleedyada balse wuxuu sheegay in markii shirka la tagay ay Madaxda Maamul Goboleedyada la imaadeen qodobo kale.

Wuxuu sheegay in qodobadii ay Maamul Goboleedyada soo jeedeyn kamid aheyd in la dhiso madal ay ku mideysan yihiin Dowladda iyo Maamul Goboleedyada .

Madaxweynaha ayaa cod dheer ku sheegay inay Dowladda Dhexe ka diiday Maamul Goboleedyada in la dhiso madal, wuxuuna taas ku micneeyey inay soo arkeen dhibaatada iyo faa’idada ay leedahay in la sameeyo Madal.

Madaxweynaha ayaa xusay in Sharciga uu qabo in Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe ay kulmaan sanadkiiba mar si la isaga wareysto Xaaladaha dalku marayo balse aysan marnaba aqbali doonin in madal la sameeyo.

Maamul Goboleedyada ayaa shirkii Garoowe kusoo bandhigay in la sameeyo Madal ay ku mideysan yihiin Dowladda iyo Maamul Goboleedyada balse wuxuu Farmaajo banaanka usoo saaray inay arrintaas ka hor timid Dowladda Dhexe.

Hadalka Madaxweynaha ee ku saabsan Shirka Garoowe ayaa ahaa mid aad loo wada sugayey, wuxuuna arrintaas ka aamusnaa dhawr maalin balse hadalka Madaxweynaha ayaa u muuqday inuu ahaa mid laga soo fakaray isla markaasna aad u kulul.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com