Hargeysa: Ilmo yar oo laga soo bad-baadiyey musqul lagu riday (Daawo Sawirrada)

Hargeysa (Caasimada Online) ― Ciidamada Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa waxay soo bad-baadiyey ilmo yar oo musqul lagu riday.

Ciidanka ayaa waxay ku guuleysteen in ilmahan yar ka soo samata-bixiyeen musqusha isagoo nool, iyagoona ilmaha yar oo caafimaad qaba ku wareejiyey Cisbitaalka weyn ee Magaalada Hargeysa.

Ciidamada Dam-demiska ayaa qoraal ay kaga waramayaan siduu u dhacay howl-galkaasi samato-bixintu ayaa waxay soo dhigeen bartooda Facebook, wuxuuna u dhignaa sidan:

“Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa Maanta abaaro 1:26 Pm lagu soo wargeliyay samatabixinta Ilmo yar oo lagu Riday Musqul dhererkeedu qiyaas ahaan ahaa 10 M kuna taallay Xaafada Oktoobar ee Degmada Axmed Dhagax.

Ciidanka ayaa ka hawlgalay sidii ilmahaas looga soo saari lahaa Suuliga, waxaana ciidanku ku guuleystay inuu ka soo saaro suuliga, iyadoo xubin ka mida ciidanka oo adeegsanaya xadhkaha Samatabixinta iyo sallaamada uu gudaha u galay godkaas kana soo saaray iyadoo Ilmahaasi noolyahay Caafimaadkiisuna uu aad u wanaagsanayahay.

Kadib ciidanka Dab-demiska ayaa Ilmahaas yar oo caafimaad qaba ku wareejiyay Cisbitaalka weyn ee Magaalada Hargeysa.

Masuuliyiinta waaxda hawlgelinta iyo caafimaadka ayaa hawlgalkaa hogaaminayay sidoo kale waxaa isaguna goobjoog ka ahaa hawlgalkaa Duqa caasimada hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco.

Guud ahaan hawlgalkaas ayaa ku soo dhamaaday guul iyadoo ilmahaasina hadda Caafimaad qabo.

Ciidanka dab-demiska ayaa laga soo bilaabo aasaaskii ilaa maanta sameeyay badbaadooyin iyo samatabixino iyadoo ay u dambaysay kaalintii ciidanku ka geystay gurmadkii roobabkii khasaaraha geystay ee hal maalin ka hor ka dhacay gudaha Magaalada Hargeysa”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com