Qarax Muqdisho ka dhacay maanta iyo askari la toogtay iyo dadkii ka dambeeyey oo mid la qabtay midna la dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno wadada Maka Al- Mukarama ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax gaari lagu xiray.

Gaariga ayaa yaalay meel ku dhaw Shaleemo Soomaaliya, waxaana la sheegay in shaqsigii Qaraxa ku xiraayay la arkay oo Carruurta gaadiidka halkaasi ku dhaqda ay arkeen kadibna ay u qaylo dhaamiyeen Ciidamada ammaanka.

Waxaa suuragashay in Ciidamada ammaanka ay gacanta ku soo dhigaan ruuxii gaariga qaraxa ku xiray, sidaasina Booliska ay ku qabteen.

Iyadoo gacanta lagu haayo shaqsigii gaariga qaraxa ku xiray, ayaa la sheegay in gaariga uu qarxay, mana jirin wax khasaare ah oo ka dhashay qaraxaasi gaariga ee ka dhacay wadada Maka Al- Mukarama.

Booliska ayaa xarunta dambi baarista ee C.I.D u kaxeeyay shaqsigii la qabtay ee lagu arkay isaga oo qaraxa gaariga ku xiraayo.

Dhinaca kale, Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Suuqa Bakaaraha ee degmada Howl-Wadaag ee Gobolkan Banaadir waxa ay ku toogteen Nin hubeysnaa oo dhaawacay askari ka tirsan Ciidamada Dowladda.

Falkan ayaa ka dhacay Isgoyska Bakaaraha, waxaana la sheegay in Ninka hubeysan uu askariga dhaawacay, hayeeshee askar kale oo Goobta ka agdhaweyd oo maqlay rasaasta askariga lagu dhaawacay ay toogteen,isaga oo watay Bustoolad.

Wararka qaarkood ayaa waxaa ay sheegayaan in uu goobta ka baxsaday Nin kale oo la socday Ninka ay Ciidamadu toogteen oo watay mooto, waxaana israsaaseyn ay dhexmartay Ciidamada iyo Ninka hubeysan oo markii dambe ay dileen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com