Dr. Cali Khaliif: Sunuuftii burburkii Somalia baa iiga soo uraysa Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) ― Hoggaamiyihii hore ee maamulka Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galeyr, ayaa ka hadlay cabudhinta ay shacabka ku hayso Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi.

Galeyr ayaa waxa uu sheegay haddii ay badato maquuninta shacabku in aan lays dhageysan doonin, isagoona ka dhawaajiyey haddii Dastuurka lagu dhaqmi-waayo inay Somaliland u horseedi doonto dhibaato burbur.

Dr. Cali Khaliif Galeyr, ayaa qoraal uu arrimahaasi kaga hadlayo waxa uu soo dhigay bartiisa Facebook, wuxuuna u dhignaa sidan:

“Somaliland sunuuftii ama Urtii ay ku burburtay koonfur aya iga soo uraysa mar hadii cabudhinta shacabka ay badato lays dhagaysan waayo Dastuurkana lagu dhaqmiwaayo Waa Dhibato bulshada burbur u horseeda

Somaliland waxan ku arkay Siyaasi an waligii School dhigan Oo hadana ay u dheertahay jahli iyo kicin dadweyne ama qabiil Taas oo horseeday in ay shacabkii ku jahwareeran yaa saxan yaa khaldan

Fariintaydu waxa weye Dastuurka Dalka uyaala hala ixtiraamo hana lagu dhaqmo

Aniga iyo saxibkay Ahmed ismail waxyabo badan oo anu qiimayn ku wadnay dhawan ayan soo bandhigidoonaa inshallah”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com