Dowladda Somalia oo war xasaasi ah ka soo saartay dhoofinta dhuxusha Somalia

Muqdisho (Caasimadda Online) – War ka soo baxay Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in fal dambiyeed ay tahay dhoofinta dhuxusha Soomaaliya isaga oo u digay Maraakiibta iyo Doomaha ka qaada Xeebaha Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu sheegay in baaritaan ay ku hayaan dadka ka shaqeynaya dhoofinta dhuxusha oo ay ka gacansiineyso Interpol uu gababo yahay.

Qoraalka Xafiiska Xeer ilaaliyaha ayaa u qornaa sidan;

Soo saaridda iyo dhoofinta dhuxushu waxay saamayn laxaad leh ku leedahay xaalufinta deegaanka, waxayna il wayn oo dhaqaale u tahay argagixisada.

Dhoofinta dhuxusha waa fal-dambiyeed lagu ciqaabi karo Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, waxaana lagu mamnuucay Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay S/RES/2036 (2012) ee ku saabsan mamnuucidda, dhoofinta iyo soo dejinta dhuxusha Soomaliyeed si dadban ama si toos ah xataa haddii aanay dhuxushaasi Soomaaliya toos uga imaanin.

Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranku wuxuu baaris ku hayay fal-danbiyeedkaa foosha xun, wuxuuna isagoo la kaashanaya INTERPOL ku dhawyahay in la soo qabto xubno ka ganacsada soo saaridda iyo dhoofinta dhuxusha.

Iyadoo taasi jirto ayaa haddana waxaa jira xog lagu kalsoon yahay oo sheegaysa inay dib u billaabatay soo saaridda iyo dhoofinta dhuxusha xeebaha Soomaaliya.

Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka wuxuu uga digayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudahiisa ama dibaaddiisa kuna lug leh dhoofinta dhuxusha sharci darrada ah inay joojiyaan faldanbiyeedkaa waxeyna wajahayaan ciqaabta ka dhalata faldanbiyeedkaas sida ku xusan Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Si arrintaa wax looga qabto Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa la kaashanaya Booliska Soomaaliyeed guud ahaan iyo ka Dawlad￾Goboleedka Jubaland gaar ahaan.

Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka wuxuu ka digayaa in doomaha iyo maraakiibta lagu raro dhuxusha in lala wareegayo iyadoo loo marayo .

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com