Faroole, Cumar Cabdirashiid iyo Gaas oo 5 qodob kasoo saaray dagaalka Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Onine) – Madax horey xilal uga soo qabatay maamulka Puntland iyo Dowladda Dhexe ee Soomaalitya oo maanta kulan ka yeeshay xaaladda Magaalada Boosaaso ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo xabadda, islamarkaana wax kasta lagu xaliyo wada-hadal iyo isfaham.

Xubnaha shirka yeeshay oo kala ahaa Ra’iisul Wasaariii hore ee Cumar Cabdirashid Cali Sharmaake, madaxeynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Maxamed Maxamud Farole, madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamad Cali-Gaas, taliyihii hore ee Booliska General Saacid Daahir Siciid, Cabdikhadar Faarax Shaaciye iyo Cabdiqani Faarax Dhaashane oo kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa soo saaray baaq ka kooban 5 qodob

“Waxaan ka tacsiyadeyneynaa khasaarihii naf iyo maal-lahaa ee ka dhashey dagaalkii ayaan-darada ahaa ee ka dhacay magaalada Bosaso 21-22 December. Wuxuu ahaa dagaal dhaawacay niyadda guud ahaan dadka Soomaaliyeed gaar ahaanna dadka reer Puntland oo nabadda iyo wada-noolaashaha astaan u ahaa,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saaren.

Halkaan hoose ka akhriso 5-ta qodob ee kasoo baxay kulankooda:

1- Waxaan taageeraynaa go’aanka dowladda Puntland ee ah xabad-joojinta, si fursad loo siiyo wadahadalada socda.

2- Si loo xoojiyo wadahadalada nabadeed ee ay ku baaqeen waxgaradka waa in dhammaan Ia joojiyo dhaqdhaqaaq-yada ciidamada ee jira.

3- Waa in Ia ilaaliyo dowladnimada, xasiloonida, nabadgalyada iyo midnimada shacabka Puntland.

4- Waxaan sii wadi doonnaa wadahadalka aan Ia leenahay dhinacayada ay khuseyso arinkaan si xal-waara looga gaara khilaafka taagan.

5- Ugu danbayn waxaan diyaar u nahay in aan tagno Puntland si aan uga qayb qaadano xal u helidda iyo joojinta iska hor-imaadkan hubaysan si ayaan xabadd dambe magaalada u dhicin.