Puntland oo ka laabatay warkii ku saabsanaa Gorgor ee dagaalka Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka Puntland oo shalay ciidanka kumaandoonka Soomaaliya ee Gor Gor ku eedeeyey inay qeyb ka yihiin dagaalka ka socda magaalada Boosaaso ayaa hadda beeniyey hadalkaas.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Galan oo u waramay BBC ayaa sheegay in Gor Gor aysan ka qeyb gelin dagaalka Boosaaso ku dhex-maraya ciidanka PSF iyo ciidamada kale ee Puntland.

Wasiirka ayaa sheegay in dagaalka maamulka looga soo hor jeedo ee ka socda Boosaaso ay wadaan ciidamo yar oo uu ku tilmaamay ‘qowleysato qaab qabiil u abaabulan’ oo Taliyihii hore ee PSF Maxamuud Cusmaan Diyaano uu hoggaaminayo, sida wasiir Cabdisamad uu u dhigay hadalkiisa.

Duqa magaalada Boosaaso Cabdiqani Axmed Ismaaciil Deera-dile oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada Gorgor oo ka dagaalamaya gudaha Boosaaso ay hoobiyayaal ku garaaceen qaybo kamid ah magaalada Boosaaso.

Hase yeeshee wasiir Galan oo wax laga weydiiyey eedeyntaas ka soo yeertay duqa Boosaaso ayaa yiri, “Arrintaas cidii ka hadashay ayaa la weydiinayaa, ma jirto cid aan ilaa hadda eedeynay anagu, inta aan ogahay ma jiraan ciidamo ka tirsan Gor Gor oo Boosaaso ka dagaalamay, arrintaana waxaan dooneynaa inay sharciyadda ku dhamaato oo nidaamka aan la hareer marin marnaba.”

Hadalka wasiirka ayaa toos uga hor imaanaya eedeyntii uu shalay Gor Gor u jeediyey duqa magaalada Boosaaso oo ku cel-celiyey in Gor Gor ay ka dagaalamayso gudaha Boosaaso, iyagoo garab siinaya ciidanka PSF-ta oo dagaal kula jira xukuumadda Saciid Deni.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii