Faroole oo xubinimada Aqalka Sare ee BF ku guuleystay

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole, ayaa ku guuleystay xubinta labaad ee Aqalka Sare maamulka Puntland.

Faroole ayaa ka guuleystay Musharax lagu magacaabo Cabdi Mahad Abshir Cusmaan, kaasi oo helay 5 cod oo kaliya.

Faroole ayaa isna helay 59 cod waxa uuna sidaa kaga guuleystay musharaxa shanta cod helay.

Xubinimada maamulka ayaa waxaa u sharaxnaa 26 musharax oo u tartameysa kamid noqoshada Aqalka sare.

Xubnaha Puntland u mataleysa aqalka sare ayaa ah 11 xubnood, halka wixii intaa kabadan laga maarmi doono.

Saciud Qoorsheel oo kamid ah Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa sheegay in Faroole uu helay xubintii labaad ee Aqalka sare.

Hoolka ayaa waxaa weli ka socda codeynta waxaana la dhameystirayaa cododka harsan.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com