Galmudug oo miinooyin ku aastay xadkeeda iyo duqeymo ku socda Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Dagaal qaraaran ayaa waxa uu weli ka socdaa Galbeedka magaalada Gaalkacyo, kaasi oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo Galmudug.

Dagaalka ayaa iminka sii xoogeystay waxaana la maqlayaa hubka culus ee daran-dooriga u dhaca kaasi oo si wada jir ah ay u adeegsanayaan labada ciidan.

Dadka ku nool Galbeedka magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in dagaalka uu barbar socdo Qaraxyo aan la garaneynin waxa ay yihiin.

Dadka deegaanka waxa ay sidoo kale sheegayaan in dagaalka uu yahay mid ka duwan kuwii hore, waxaana la arkayaa gaadiid dagaal oo aan horay loo arkin kuwaasi oo qeyb ka ah dagaalka socda.

Puntland ayaa hubka culus ku garaaceysa xaafadaha, waxa ayna ciidamadu diidan yihiin in dadka shacabka ah ay guryahooda kasoo baxaan.

Sidoo kale, Ciidamada Galmudug ayaa la sheegayaa in miinooyin ay ku aaseen xadka deegaanada kala qeybsha labada Gaalkacyo gaar ahaar ahaan halka uu dagaalka ka socdo.

Miinooyinka ay Galmudug ku aastay xadka qeybteeda ah ayaa la sheegay inay uga gaashaamaneyso xad gudub ay ciidamada Puntland kusoo sameeyan deegaanada Galmudug qeybka Gaalkacyo.

Xaalada ayaa ah mid kacsan waxaana mar waliba laga cabsi qabaa in dagaalka uu noqdo mid joogta ah.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com