CC oo ku guuleystay xubinimada 1-aad Aqalka Sare ee Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali ayaa ku guuleystay xubintii ugu horeysay ee Aqalka Sare ee Puntland.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa xubinimadaasu kaga guuleystay haweeney lagu magacaabo Aamina Aadan.

Aamina Aadan ayaa heshay cod aad u yar marka loo eego codadka uu helay Ra’isul wasaare Cumar kaasi oo ah 17 cod.

Cumar C/rashiid ayaa isna helay codka 47 Xildhibaan waxaan sidaa looga guuleystay Aamina Aadan.

Xildhibaanada ayaa u guda galay u codeynta musharaxiinta kele, waxaana lagu wadaa in maantaba lasoo gabagabeeyo codeynta.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa ku dhawaaqay in Cumar C/rashiid uu yahay shaqsiga ku guuleystay xubinimada 1aad ee Aqalka Sare Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com