Dagaalkii ugu cuslaa oo hadda ka socda magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada 0nline)– Dagaal aad u qaraaran ayaa waxa uu hadda ka socdaa Galbeedka magaalada Gaalkacyo.

Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu bilowday kadib markii ciidamada Puntland ay rasaas ku fureen gaari ciidan oo laga lahaa Galmudug.

Dagaalka ayaa waxaa hadda leysu adeegsanayaa Hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana xiran dhamaan goobaha ganacsi ee ku yaalla Galbeedka magaalada.

Hubka ugu badan waxa ay kasoo dhacayaan dhanka maamulka Puntland, waxaana suuragal ah in dagaalka uu intaa kasii cuslaado.

Maamulada uu dagaalka u dhexeeyo ayaan wali ka hadal dagaalka socda.

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee dagaalka socda Gaalkacyo

Caasimada 0nline
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com