Xog: R/W CC oo u been guuray Xasan iyo safar dhuumasho ah oo uu ku aaday…

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid uu magaalada Garoowe gaaray, balse Safar dhuumasho ah uu ugu sii baxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Safarka Cumar C/rashiid ee magaalada Nairobi ayaa soo ifbaxay kadib markii uu shalay ganbiyay Hoolka uu Baarlamaanka Puntland ku dhageysanaayay khudbadaha musharaxiinta ku loolameysa xubinimada Aqalka Sare ee dalka.

Warar madax-banaan ayaa sheegaya in Cumar C/rashiid goortii uu gaaray magaalada Garoowe uu kulan degdeg ah la qaatay qaar kamid ah Guddiga doorashooyinka waxa uuna markiiba usii duulay magaalada Nairobi.

Sharmaarke ayaa la sheegayaa in booqashadiisa magaalada Nairobi ay tahay mid uusan ka warqabin Madaxweynaha dalka waxa uuna Safarkaasi qaadan doona muddo aad u yar oo saacado ah.

Ra’isul wasaare Sharmaarke ayaa ka goos heysta Dowlada Kenya oo iyadu wadata, waxa uuna safarkiisa noqonayaa mid aan sidaa usii buurneyn.

Wararka qaar waxa ay sheegayaan in Sharmaarke bixitaankiisa Kenya uu ahaa mid ku eg Garoonka weyn ee magaalada Nairobi halkaasi oo uu kula kulmaayay mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Kenya, isagoo durba kusoo laabanaayay dalka, si aanu safaradiisa loo sii ogaan.

Maqnaanshiyaha Cumar C/rashiid ee Hoolka laga jeedinaayay khudbadaha ayaa waxaan ka hadal Guddiyada doorashooyinka min heer federaal iyo heer maamul Goboleed Puntland, waxaana xusid mudan in Baarlamaanka Puntland qudhiisa uusan ka hadal maqnaanshiyaha Sharmaarke.

Sharmaarke ma uusan jeedin Khudbadihii shalay ay jeedinayeen Musharaxiinta, iyadoo aan la garaneynin sababta rasmiga ah ee uu Cumar C/rashiid uga maqnaa kulanka Baarlamaanka.

Cumar C/rashiid ayaa waxaa magaalada Garoowe loogu diray inuu ka qeybgalo kulankii shalay isla markaana uu jeediyo Khudbadiisa, hayeeshee waxaa muuqaneysa inuu u beenguuray Xassan Sheekh.

Sharmaarke ayaa maanta xili hore kusoo laaban doona magaalada Garoowe si uu uga qeybgalo doorashada Aqalka Sare, waxa ayna wararku sheegayaan in Hoolka Doorashada laga sugaayo Afar saac oo subaxnimo ah, halka imaanshiyihiisa Garoowe ay ka tahay Afar saac oo subaxnimo ka hor.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Guddiga Doorashooyinka iyo Maamulka Puntland kaasi oo ku aadan Maqanaanshiyaha Sharmaarke.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com