Xog: Xasan Sheekh oo aamusiyay mucaaradkiisii ugu weynaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno ilo ku dhow dhow Guddoomiyaha Xisbiga Cadaaladda Bulshada, Maxamuud Axmed Nuur ”Tarsan”, ayaa sheegaya in wada hadal gaara ay wada fureen isaga iyo Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh.

Wadahadalka ayaa la sheegayaa inuu dalbaday Madaxweyne Xassan kadib markii uu qaata ka istaagay dagaal Siyaasadeedka Tarsan.

Madaxweyne Xassan ayaa la sheegayaa inuu ballanqaadyo dhowr ah uu u sameeyay Tarsan, isla markaana uu iminka ku daray mid kamid ah Gudiyada u qaabilsan diyaarinta Baarlamaanka cusub ee imaan doona.

Madaxweyne Xassan ayaa waxaa wadahadalka uu la furay Tarsan kala shaqeeyay xubno qaraabo la ah, iyadoo sababta ugu weyna ay tahay in Tarsan uu yahay shaqsiga keliya ee sida tooska ah u abaara ciladaha Madaxweyne Xassan waxa ayna taasi carqalad Siyaasadeed galisay ololaha Xassan.

Madaxweynuhu waxa uu Tasan ka dalbaday inuu ka tanaasulo Musharaxnimadiisa, waxa ayna xogtu tibaaxeysa in isbedel uu ku imaaday Tarsan balse maalmo ka hor inta aysan doorashada dhicin uu go’aankiisa cadeyn doono.

Tarsan waxa uu mid mid uga hadlaa dhammaan ceebaha Xassan Sheekh iyo Dowladiisa, waxa ayna talaabadaasi soo dadajisay in Xassan Sheekh uu ku guuleysto wadahadalka sida aan xogta ku helnay.

Tarsan ayaa iminka xubin muhiima ka noqday Guddi gaar ah uu Madaxweyne Xassan u sameystay kala sooca Xildhibaanada Cusub iyo tashkiilinta kuwa uu isaga ka rajeynaayo codadka.

Lama oga sida ay kuwada shaqeyn doonaan labadaani mas’uul maadaama Siyaasada Tarsan ay tahay mid fog oo aan la bixin karin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com