Daawo Sawirrada: Faroole oo is-badal jireed weyn uu ku dhacay

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Puntland, C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa shalay (19-10-2016) kasoo dhex muuqday xubnaha u sharaxan aqalka sare ee maamulka Puntland ugu mid noqonaya baarlamaanka Soomaaliya ayaa sawirro iyo muuqaal laga soo qaaday waxaa laga dareemayaa isbadal weyn oo muuqaalkiisa ku yimid.

C/raxmaan Faroole oo ka tallaabsaday todoban sano ayaa markii uu xilka Madaxweynaha Puntland qabanayay iyo markii uu ka degayay wax farqi ah u dhaxeyn, hase ahaatee labadii sano ee lasoo dhaafay uu ku yimid isbadal deg deg ah isagoo hadda laga dareemayo da’diisai 71 jir, waxaana dadku qaarkii ay tilmaameen in kursiga madaxtinimada inta aad ku fadhido wax badan kuu qarinayo, marka aad ka degtana ay soo baxayaan wixii kuu qarsanaa.

Dr. C/raxmaan Faroole oo khudbadii uu shalay ka jeediyay golaha wakiilada Puntland wuxuu sheegay in qabashada xilka aqalka sare ee Soomaaliya inuu kasoo bixi karo, maadaama buu yiri aan ahay nabadoon aan marna ka mid noqon jabhadihii hubeysnaa ee dalka qaribay, waa sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, wuxuu ka mid yahay murashaxiinta mar hore ku dhawaaqay in uu u taagan yahay xilka madaxweyne. Cid kasta wey ka dheregsan tahay shaqsiyadiisa, waxaana lagu bartay inuu mucaarado dowladda Soomaaliya ka hor iyo kadib-ba markii uu xilka Puntland ku fadhiyay iyo markii uu xilka ka degay. Waxaa  lagu yaqaan xag jir qabiil iyo inuu jeediyo hadalo qaran dumisnimo ah.

faroole-miin-waayeel-1faroole-miin-waayeel-2

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com