QM: Somalia waxa ay dib ugu laabaneysa xiligii H/Kooxeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating, ayaa mar kale ku celshay inay dhaliilsan yihiin Siyaasada ay ku shaqeyn doonto Dowlada Cusub ee Somalia ka talin doonta.

Michael Keating, waxa uu sheegay in dowlada hadda jirta ay dib usoo nooleyneyso shaqsiyaadkii Hogaamiye Kooxeedyada ahaa ee Somalia u horseeda dhibta hadda ka taagan, waxa uuna sheegay inay dhaliilsan yihiin in Dowlada imaan doonto loo sii diyaarinaayo xubno dabaroga.

Waxa uu sheegay in Xubnaha kamid noqon doona Aqalka Sare ay u badnaan doonaan Hogaamiye Kooxeed iyo kuwo lasoo shaqeeyay, wuxuuna taasi ku tilmaamay mid Somalia dib loogu celinaayo xiligii Hogaamiye Kooxeedka.

Waxa uu aad u dhaliilay Dowlada Somalia ee uu wakhtigeedu dhamaaday waxa uuna ku eedeeyay in Siyaasada Somalia ay fasahaadineyso, iyadoo ka duuleysa maslaxada shaqsiyaad gaara oo doonaaya inay mar kale hantaan kursiga.

Mr Michael Keating, waxa uu mar koowaad iyo mar labaad ka digay in Horumarka iyo dadnimada Somalia ay iibsadaan shaqsiyaad gaara kuwaasi oo uu sheegay inay dano gaara ka leeyihiin maamulida Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu Mr Michael Keating ku baaqay in danta gaarka ah aan laga hormarin tan guud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com