Galmudug: Puntland wey ka dhega adeegeysaa in colaada Gaalkacyo la dhameeyo

Maamulka Galmudug ayaa ku eedeeyay maamulka ay deriska yihiin ee Puntland oo maalmihii lasoo dhaafay dirir culus ku dhex marayay magaalada Gaalkacyo xal laga gaaro. Sarkaal ka tirsan Galmudug ayaa sheegay in Puntland ay diidan tahay in sidii labo maamul ahaan looga hadlo colaada gaamurtay ee ka taagan Gaalkacyo, waxayna Puntland dooneysaa buu yiri sarkaalkasi in odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac ay arintaani ka wada hadlaan.

Agaasimaha waaxda warfaafinta ee Galmudug Maxamed Xasan Feynuus ayaa caasimada u sheegay in dhibaatada ka taagan magaalada Gaalkacyo xalinteeda ay u taal labada maamul ee Puntland iyo Galmudug, wixii dirirayna ay yihiin ciidamada labada maamul, odayaasha dhaqankana aysan xiligaan howsha taal shaqadooda aheyn.

Feynuus ayaa meesha ka saaray in xiligaan boos ugu bannaaneyn odayaasha dhaqanka ka hadalka xiisada ka taagan magaalada Gaalkacyo, maadaama waxa diriray ay yihiin labo maamul, wuxuuna Puntland ku eedeeyay in ay ka dhega adeegeyso in loo wada hadlo maamul ahaan, sababta ay ku diideysana uu sheegay in aysan garan karin.

Agaasimaha wuxuu caasimada u sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin in maamul ahaan loo wada hadlo, maadaama labada maamul ay ciidamadooda dagaalameen.

Dhanka kale, wax sheegay Mr. Feynuus in dhankooda ay tixgelinayaan baaqyada nabadeed iyo deganaanshaha magaalada, inkastoo uu sheegay in dhanka Puntland ay mararka qaar soo tuur tuuraan rasaas, taasoo uu tilmaamay in ciidamadooda aysan wax jawaab ah ka bixin, laguna amray in aysan wax rasaas ah ridin.

Dowladda Itoobiya ayaa qoraal ay soo saartay waxay ku sheegtay in maamulada labada dhinac ay kala hadleen in xabadda la joojiyo iyo in Puntland ay hakiso dhismaha maxjarka xoolaha ee muranka ka bilowday, baaqaasi oo Puntland ay ka hor timid.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
caasimada@live.com