Fashil ku imaaday talaabadii ugu horeysay ee HirShabelle

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa maanta fashil ku yimid caleema saarka Madaxweynaha cusub ee maamulka HirShabelle kaasi oo la filaayay inuu ka dhaco Magaalada jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dowlada ayaa horay u sheegtay in caleemasaarka uu Madaxweynaha HirShabelle uu dhici doono maalinta Khamiista ah oo maanta ku beegan.

Maanta oo Khamiis ah ayaa waxaan jirin wax caleemasaar ah, waxaana la sheegayaa in Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ay safar shaqo ku joogan magaalada Muqdisho.

Caleemasaarka ayaa dib u dhacay, waxaana lagu wadaa in maalinta Sabtida ah ay dhacdo.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa loo doortay Cali C/laahi Cosoble, halka ku xigeenkiisa loo doortay Cali C/laahi Xuseen (Guudlaawe).

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com