24.9 C
Mogadishu
Friday, July 11, 2025

AKHRISO Liiska magacyada iyo Qabaa’ilka ay kasoo jedan xubnaha K/Galbeed u matali doona Aqalka Sare

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online)-Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo afjaray doorashada xubnaha Aqalka Sare u matalaya Dowlad gobaleedkaas koofur Galbeed.

Xubnaha la doortay ayaa waxaa ka dhex muuqday ilaa laba dumar halka inta soo hartayna ay ahaayen rag munaasib ku ah matalaadaasi.

Baaralamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa cod u qaadayay musharxiin dhoor ah oo ku tartamayay kamid noqoshada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka kooban 54-xubnood.

Xubnahaasi aadka u farabadan ayaa waxaa laga soo dhex xushay ilaa 8-xubnood kuwaasi oo maamulka u matali doona Aqalka Sare.

HOOS KA AKHRISO MAGACYADA

1-Cabdikaafi Macalin Xasan (Digil -Garre)

2-Xuseen Cali Xaaji Cabdalla (Dir Biimaal)

3-Zamzam Ibraahim Cali (Digil Jiido)

4-Timiro Maxamed Cali (Mirifle -Boqol Hore)

5-Xuseen Sheekh Maxamuud (Mirifle- Hadamo)

6-Aadan Cabdi Aadan (Mirifle-Leesaan)

7-Ilyaas Cali Xasan (Mirifle- Eelay)

8-Cabdulaahi Cabdi Jabriil (Galeddi)

Xubnahaani ayaa u badan kuwo munaasib ku ah kamid noqoshada Aqalka Sare ee dowlada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News