Xog: Maxaa ku soo kordhay dagaalka ka socda Gaalkacyo?

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyay ee magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in wali uu dagaal xoogan ka socdo duleedka Koonfur Galbeed ee magaalada Gaalkacyo.

Dagaalka ayaa ku bilowday Hubka culus kadib markii ciidamada maamulka Puntland ay weerar gaadmo ah ku qaaden Gaari ciidan oo ay laheyd Galmudug.

Dagaalka ayaa hadda isku bedelay mid fool ka fool ah, waxaana la maqlayaa diryanka madaafiicda iyo hubka culus, sidoo kale waxaa la maqlayaa rasaas qoryaha fudud ka dhacaysa.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in Dagaalka Labada dhinac ay isku adeegsadeen Hub culus, oo xaafadaha qaar ee Magaalada ay ku soo dhaceen Madaafiic.

Dagaalka ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan la xaqiijin karin tirada rasmiga ah waxaase jira warar sheegaya in dhimashada iyo dhaawaca ay kor u dhaafayaan 20 ruux.

Dadka shacabka ah ee Magaalada ku nool, ayaa soo sheegaya inay dareemayaan cabsi xoogan oo ku aadan in dagaalka xoogiisa uu Magaalada ku faafo.

Puntland ayaa Maxjar ka dhiseysa dhul lagu muransan yahay oo u dhaxeeya Maamulada Galmudug Iyo Puntland, waana sababta salka uu ku haayo dagaalka Magaalada Gaalkacyo.

Dagaalka hadda socda ayaa ka mid ah dagaalladii ugu kharaaraa ee dhaca, tan iyo intii Xiisaddaani ay magaalada ka jirtay oo tiro ka dhowr jeer la isku fara saaray.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com