Xassan Sheekh oo sheegay haddal carqalad Siyaasadeed u abuuri kara

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha uu wakhtigiisu dhamaaday Xassan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga hadlay wararka sheegaya in Musharaxiinta qaar ee loolanka kula jira ay wadaan ololo qarsoodi ah oo lagu carqaladeynayo ololihiisa doorasho.

Xasan Sheekh waxa uu sheegay inaanu afka iyo gacanta ka laaban doonin haddii ay dhacdo in kuwa isaga la loolamaaya ay dabagadiyaan ololihiisa.

Xassan waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa uusan dhibaato ku heyn kuwa loolanka kula jira, balse haddii isaga la carqaladeeyo uu iska qaban doono.

”Waxaa nasiib darro ah in shaqsi ololo ugu jira madaxtinimada daka uu ku dhiirado inuu carqaladeeyo amniga iyo ololaha musharaxiinta kale”

”Kama yeeli doono in lagu xadgudbo amuuraheena waxaan ka digayaa in maslaxad shaqsi loo carqaladeeyo xasiloonida ka jirta dalka”

Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay inay adag tahay in la helo musharax isagoo afkiisa qaba wata ololihiisa waxa uuna meesha ka saaray inay suuragal tahay in dhankooda ay ka aqbalaan in la carqaladeeyo danahooda.

Madaxweyne Xassan ayaa hadalkaani sheegay mar uu Madaxtooyada kula kulmaayay xubno Siyaasiyiin ah kuwaasi oo qeyb ka ah ololihiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com